Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107
Madaxweynaha Galmudug iyo Madax kale oo gaaray Magaalada Muqdisho – Xidigaha

Madaxweynaha Galmudug iyo Madax kale oo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxda dowlad goboleedyada Koonfur galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa galabta si wadajir ah uga soo degay garoonka dayuuradaha Muqdisho, iyagoo ka soo duulay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Saddexda Madaxweyne oo maanta shir wadatashi ah oo muddo kooban ku yeeshay Baydhabo ayaa go’aansaday iney yimaadaan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka madaxda DF iyo dowlada goboleedyada ee beri ka furmaya caasimada dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, qeybaha bulshada iyo masuuliyiin kale ayaa saddexda Madaxweyne si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ay shir kula leeyihiin qeybta VIP-da ee Garoonka Diyaaradda Wakiilada Beesha Caalamka oo ay hormuud u yihiin Safiirka Mareykanka iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.


Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107

Be the first to comment on "Madaxweynaha Galmudug iyo Madax kale oo gaaray Magaalada Muqdisho"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*