Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107
Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Gabriel Magalhaes. – Xidigaha

Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Gabriel Magalhaes.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku guuleysatay dagaalka loogu jiro daafaca kooxda Lille ee Gabriel Magalhaes , iyadoo ciyaaryahanka reer Brazil uu qarka u saaran yahay inuu u duulo London isbuuca soo socda si uu si rasmi ah ugu dhameystiro heshiiska.

Mustaqbalka 22 jirkan ayaa ahaa mid si weyn loo hadalhayay maalmihii ugu dambeeyay iyadoo la soo jeedinayay in uu ku biirayo midkood kooxaha Manchester United , Paris Saint-Germain iyo Manchester City madama dhamaantood ku soo biireen tartanka loogu jiro .

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano , heshiiska loogu geynaayo Gabriel garoonka Emirates Stadium ‘waa la soo gabagabeeyay’, wuxuuna Isniinta tagi doonaa London si uu shan sano oo qandaraas ah qalinka ugu duugo kooxda Mikel Arteta .

Isagoo lahadlayay barta Twitterka si uu u shaaciyo warkan, Romano wuxuu sheeganayaa in kooxda Premier League ay bixin doonto € 30m (£ 27m), oo ay kujirto wax loogu daro, iyadoo si rasmi ah loogu dhawaaqi doono isbuuca soo socda heshiiskiisa.

Gabriel ayaa 34 kulan u saftay kooxdiisa Ligue 1 xilli ciyaareedkii hore, oo ay ku jiraan lix kulan oo Champions League ah.

Arsenal ayaa sidoo kale dhawaan dhameystirtay saxiixa weeraryahankii reer Brazil Willian oo si xor ah uga yimid Chelsea iyadoo kooxda ay isku diyaarineyso bilowga xilli ciyaareedka 2020-21 Premier League.


Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107

Be the first to comment on "Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Gabriel Magalhaes."

Leave a comment

Your email address will not be published.


*