Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107
Arsenal Oo Kula Dagaalamaysa Liverpool Saxiixa Xidiga Thiago Alcantara – Xidigaha

Arsenal Oo Kula Dagaalamaysa Liverpool Saxiixa Xidiga Thiago Alcantara

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Thiago Alcantara inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagaan.

29-sano jirkan ayaa qandaraaskiisa kooxda Allianz Arena waxa uu dhacayaa bisha June ee soo socota waxaana si weyn loo filayaa in uu ka tago kooxda heysata horyaalka Jarmalka ka hor xilli ciyaareedka soo socda isaga oo raadinaya koox cusub.

Liverpool ayaa si xoogan loola xiriirinayaa xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, kaasoo dhaliyay seddex jeer isla markaana diiwaangaliyay labo caawin 39 kulan oo uu u saftay kooxda finalka ka gaartay Champions League xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Daily Mail , Arsenal ayaa haatan sameysay bartimaameydka xidigan iyagoo ka fiirsanaya suurtogalnimada ay kula soo wareegi karaan xidigan qadka dhexe .

Warbixinta ayaa sheeganeysa in Bayern ay rabto 23 milyan ginni da ‘yarkii hore ee Barcelona laakiin lagu qasbi karo inay hoos u dhigto qiimaha ay weydiisaneyso hadii ay doonayaan inay iska iibiyaan ka hor waqtiga 5ta Oktoobar.

Dhanka kooxda Mikel Arteta , ayaa la sheegayaa inay wadahadalo kula jiraan Real Madrid oo ku aadan amaah kale oo Dani Danibalbal .


Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107

Be the first to comment on "Arsenal Oo Kula Dagaalamaysa Liverpool Saxiixa Xidiga Thiago Alcantara"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*