Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107
Wargeysyada Yurub iyo waxyaabaha ay ka Qoreen Ceebtii Barcelona – Xidigaha

Wargeysyada Yurub iyo waxyaabaha ay ka Qoreen Ceebtii Barcelona

Waxa xalay Portugal ka dhacay ceeb kadib markii ay Bayern Munich xasuuqday kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa 8 dhamaadka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Bayern Munich ayaa guuldaro 8/2 ah dhabarka u saartay kooxda Barcelona kulan ay kooxda reer Germany iska xaadirisay wareega Semi-final-ka tartanka champions League.

Kadib ceebtii xalay waxa aan halkan idiinku soo bandhigi doonaa waxyaabihii ay wargaysyada kubada cagtu ka yidhaahdeen guuldaradii Barcelona.

“Bayern Oo Dhalisay 8 Gool Xilli ay Barcelona La Kulantay Guuldaradii ugu weynayd taariikhdeeda, Waxa Boogta Milix sii Mariyay Coutinho oo Laba Gool Dhaliyay”, Waxa sidaas qoray Wargayska Daily Mirror.

“8-2, Halkee Ayuu Lionel Messi Ku Maqnaa! Barcelona Oo La Kulantay Ceeb Kadib Markii Bayern Munich Dumisay Riyadooda Champions League” Waxa sidaas qoray Wargayska AS qaybtiisa Spanish-ka.

“Barcelona 2-8 Bayern Munich: Quique Setien & Kooxdiisa Oo Si Ceeb Leh Uga Hadhay Champions League Iyada Oo Kooxda Reer Germany Kabaha La Dulmartay”Waxa sidaas yidhi wargayska Daily Mail.

“Bayern Munich Oo Bur-Burisay Barcelona”Waxa sidaas yidhi qoray wargayska AS Qaybtiisa English-ka.

“Barcelona Oo Taariikh Ceeb Leh Ka Dhigtay Champions League” waxa qoray wargayska Mundo Deportovo.

Wargayska Sports Ayaa Dhankiisa qoray” Barcelona 2-8 Bayern Munich: Taariikh Ceeb Leh Oo Soo Gaadhay Wiilasha Setien”.

“Bayern Munich Oo Ceebtii Ugu Waynayd U Xambaarisay Barcelona, Coutinho & Mullar Oo Min Laba Gool Dhaliyay Iyo Burburkii Bahdilaada Lahaa Ee Bayern Gaysatay” Waxa sidaas Qoray Shabakada Laacib.net.

“Xasuuq Kubadeed : Bayern Munich Oo U Awood Sheegatay Barcelona Kana Reebtay Tartanka Champion-ka , 8/2 Ayay U Dhiibeen” Waxa sidaas qoray shabakada Kooxda.


Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107

Be the first to comment on "Wargeysyada Yurub iyo waxyaabaha ay ka Qoreen Ceebtii Barcelona"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*