Home Horyaalka England Aguero oo ka maqnaan doona kulanka Derbi Manchester.

Aguero oo ka maqnaan doona kulanka Derbi Manchester.

0

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay mudada uu maqnaan doono xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Sergio Aguero kadib dhaawacii ka soo gaadhay kulankii Chelsea.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay City 2/1 uga badisay kooxda Chelsea Sabtidii waxana uu garoomada ka maqnaan doonaa dhawr todobaad.

Ka hor shirka kulanka Shakhtar Donetsk ee champions League ayuu Guardiola xaqiijiyay in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono inaksta oo uuna sheegin mudada uu maqnaan doon.

Laakiin tababaraha ayaa xaqiijiyay in uu Xiddigu seegi doono kulanka Manchester Derby ee ay City la ciyaari doonto Man United kaas oo dhici doona 7 bisha December ee premier League.

Aguero ayaa dhaawac uga baxay kulankii Chelsea daqiiqadii 77-aad isaga oo u muuqday mid haysa gumaarka ama qaybta sare ee muruqa bawdada.

Taas ayaa la macno ah in uu Aguero seegi doono 4 kulan marka lagu daro kulanka habeen dambe ee champions League isaga oo wakhtiga tartan ula gali doona in uu ciyaaro kulanka Arsenal ee ku xiga kulanka Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here