Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107
Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso. – Xidigaha

Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso.

Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso

Hogaanka ugu sareya Maamulka Galmudug sida Madaxweynaha ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa mudda ka badan mudda bil ka maqan deegaanada Galmudug kuwasi oo saldhig ka dhigtay Magalaada Muqdisho ee caasimada somaliya.

inkastoo Markii hore uu jiray qilaaf u dhaxeya hogaanka Galmudug kaasi oo ka dhalatay isku darkii baarlamaanka Galmudug ayaa haddane warar hoose aan heleyno ayaa sheegay in badi qodobadii ay isku haysten madaxda Galmudug la xaliyay madama dowlada hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo uu marki hore u yeeray.

Hasa yeshee warar kale ayaa sheegay in Macalin Maxamud uu la kulmay Madaxweyne Farmaajo islmarkaana uu ka codsaday in uu buuxda u taageero madaxa xukuumada Galmudug sheikh Shaakir iyo Madaxweynaha Galmudug oo la Aaminsan yahay in hadda ay isku aragti ka yihin xaalada Galmudug.

Shacabka Reer Galmudug ayaa sheegay in madaxda Galmudug aysan u soo jeesan u shaqeynta bulshadooda madama ay Xusen in mid kasta uu wato danaha u gaarka ah .

Waxaa jirtay rajo badan oo ay muujiyeen shacabka Galmudug ka soo jeeda Markii Maamulka Galmudug la geeyay caasimada Galmudug ee Dhuusa Mareeb balse sidii ay wax u filayeen shacabka ma aysan dhicin waxaana gaabsi noqday shaqadii Maamulka Galmudug.

Shacabka Reer Galmudug oo qaarkood oo aan la hadalnay ayaa ka codsaday Hogaanka Galmudug in uu u soo jeesto sidii loogu shaqeyn lahaa Bulshada Galmudug oo xilligaan ka soo kabaneyso xaalado kale duwan.

Galmudug ayaa Marti u noqotay qilaaf u dhaxeya Hogaanka u sareysa waxaana la sugayaa Halka uu ku dambeyn doona xaalada siyaadeed ee Galmudug.

Liban Ajib Media


Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107

Be the first to comment on "Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso."

Leave a comment

Your email address will not be published.


*