Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107
Maamulkii Ahlusuna Ee Galmudug Ku Biiray Oo Abaabulay Colaad Halis Badan – Xidigaha

Maamulkii Ahlusuna Ee Galmudug Ku Biiray Oo Abaabulay Colaad Halis Badan

Xiisad Colaadeed ayaa ka taagan Deegaanka Xeraale Ee Gobolka Galgaduud saacadihii Lasoo dhaafay.

Dad ka baxay Cadaado ayaa tegay Halkaasi oo Odayaal iyo Nabadoono ubadan si ay u qaboojiyaan Xiisadaasi.

Wararka waxay sheegayaan in Dagaal beeleed hore udhacay ay salka ku heyso xiisada hadda taagan taasi oo dhiig badan hore ugu daatay.

Bashiir Daahir Yuusuf Oo Ah Gudoomiyaha Deegaanka Xeraale ayaa sheegay inay Nabad gelyo la isku haleyn karo ka jirin hadda Deegaanka xilli kastana colaad la filan karo marka loo eego Jawiga Cakiran.

Gudoomiye Bashiir waxa uu Maamulkii Ahlusuna Ee Ku biiray Sanadkaan Galmudug ay ka dambeeyeen Colaadaan sida uu warka u dhigay welina xal buuxa aan laga gaarin.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ahlusunadii Galmudug ku biiray Ee Dhuuso mareeb iyo Guriceel ka talinayey oo Eedaasi loo jeediyey in Colaada Xeraale ka taagan iyaga ka dambeeyaan.


Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107

Be the first to comment on "Maamulkii Ahlusuna Ee Galmudug Ku Biiray Oo Abaabulay Colaad Halis Badan"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*