Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107
Meydadka 8 ruux oo Soomaali ah oo laga helay Kaniisad iyo Xero ciidan oo Jigjiga ku yaalla – Xidigaha

Meydadka 8 ruux oo Soomaali ah oo laga helay Kaniisad iyo Xero ciidan oo Jigjiga ku yaalla

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo Meydka 8 qof oo Soomaali ah ayaa laga helay Degmada 6-aad ee magaalada JigJiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Dadkaan ayaa la xaqiijiyey in ay dileen Oromo ku xareysan Kaniisad iyo Xero dawladeed oo ku taala Bartamaha magaalada.

Qaar ka mid ah dadka kunool Magaalada Jigjiga ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in dadkaasi qaarkooda la jarjaray.

Ciidamada Liyuu Boolis oo Saaka galay Kaniisadda oo dadkii Oromadda ahaa ay xalay ka baxeen ayaa soo bixiyay Meydadkaasi.

Dadkaan ayaa la sheegay in lagu qabtay Xaafad ka mid ah Jigjiga intii ay joogay Ciidamada Milatariga , islamarkaana la geeyay qaarkood Kaniisad kuwo kalena la geeyay Xero Ciidanka Itoobiya ay leeyihiin halkaasi lagu dilay.

Dhacdadaan ayaa timid xilli shalay iyo maanta ay degan tahay Xaaladda magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.


Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107

Be the first to comment on "Meydadka 8 ruux oo Soomaali ah oo laga helay Kaniisad iyo Xero ciidan oo Jigjiga ku yaalla"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*