Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107
BIGNEWS: Hanti Laga Soo Bililiqeystay DDSI Oo Gacanta Lagu Dhigay – Xidigaha

BIGNEWS: Hanti Laga Soo Bililiqeystay DDSI Oo Gacanta Lagu Dhigay

Ciidamada Amniga Ee Soomaaliland Ayaa Xabsiga dhigay Dad la tuhmay inay soo xadeen Hanti ay gawaari ku jiraan.

Waxa Howlgalkaasi laga sameeyey Xuduuda Soomaaliland la wadaagto Itoobiya Deegaanka Togwajaale la yiraahdo.

Laamaha Amniga Soomaaliland waxay sheegeen in baaris lagu hayo hantida la qabtay iyo dadkii la socday islamarkaana dib laga soo gudbin doono macluumaad dheeraad ah.

Wasiir ku xigeenka Amniga Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa waxa uu sheegay inay ka taxadarayaan Saameynta ay reebi karto Rabshadaha ka jira Maalmahaan Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Fariin uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in ay ka digayaan waxyeeleynta Itoobiyaanka Oromada ah Ee Deegaanadooda jooga.


Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107

Be the first to comment on "BIGNEWS: Hanti Laga Soo Bililiqeystay DDSI Oo Gacanta Lagu Dhigay"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*