Home Horyaalka England XOG CUSUB: Kheyre iyo Fahad Yaasiin oo Lacago ku Iibsaday Codadka qaar...

XOG CUSUB: Kheyre iyo Fahad Yaasiin oo Lacago ku Iibsaday Codadka qaar ka mid ah Xildhibaanada

0

Inkastoo aanan la ogeyn cadadka lacagta saxda ah ee Xildhibaanka kasta la siiyay hadana ilo ku dhow ayaa inoo sheegay in Xildhibaanada iyagoo dhoola cadeynaya ay xafiiska Ra’iisul wasaaraha kasoo baxeen, waxayna taasi ka dhigan tahay inay ku qanacsan yihiin Musharaxa ay wataan Kheyre iyo Fahad Yaasiin oo ah Murashax Maxamed Mursal

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si xooli ah uga socda ololaha doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia oo Maalinta beri ah dhaceysa.

Musharaxiinta ku loolameysa doorashada ayaa siyaabo kala duwan u shirineysa Xildhibaanada la doonaayo inay codka ka helaan, waxaana marba marka xigta sii xoogeysanaaya ololaha socda.

Musharixiinta u taagan Xilkan Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay kala yihiin Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Xildhibaan Sheekh Cali Sheekh Maxamed Nuur, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, Xiildhibaan Prof. Saalim Caliyo Ibrow, Xildhibaan Shariif Sheekh Maye, Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaktar, Xildhibaan Maxamed Mursal Cabdi raxmaan, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdella, Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan Cabdulaahi Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here