Home Horyaalka England XOG: Jawaari Oo Helay Taageero Uusan Fileyn Iyo Rajadiisa Guusha Oo…

XOG: Jawaari Oo Helay Taageero Uusan Fileyn Iyo Rajadiisa Guusha Oo…

0

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hadda waxa uu helay rajo wanaagsan oo ah inuu ka badbaado mooshinka isaga laga keenay, waxaana soo baxay xildhibaanno uusan fileyn.

Jawaari ayaa markii hore wuxuu mooday in xildhibaannada ka yimaaday dhanka Somaliland ay jiran dhanka Jheyre, hase ahaatee kulan uu la qaatay xildhibaannadaasi ayaa waxay u sheegeen in isaga codka siin doonaan, islamarkaana ay difacayaan.

Jawaari ayaa hadda codka wuxuu ka heystaa xildhibaannada laga soo doortay Puntland, badi Jubbaland, Galmudug iyo sidoo kale kuwa Somaliland.

Xildhibaannada hadda difaacaya Jawaari badi uma difaacayaan jaceyl ay isaga u qabaan, balse waxay doonayaan iney ka guuleystaan xukuumadda Kheyre oo markeeda laga yaabo in loo baqo.

Mooshinnadaka jira golaha shacabka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa yeelanaya wejiyo aan caadi ahayn, iyadoo xiisaddana ay kasii dareyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here