Home Horyaalka England XOG: Farmaajo oo Kulan deg deg ah la qaatay Taliyaha NISA &...

XOG: Farmaajo oo Kulan deg deg ah la qaatay Taliyaha NISA & Xog lama filaan oo la Hordhigay

0

Xog gaara oo ay heshay Wakaalada Codkagalmudug  ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan gaar ah oo Albaabada u xiran yihiin la qaatay Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Kulankan ayuu Madaxweyne Farmaajo kaga codsaday Taliyaha inay Mudo Todobaad ah Jawaab deg deg ah ciidamada Nabad sugida ay kaga bixiyaan Weeraradii iyo Qaraxyadii shalay gilgilay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada ku amaanay sida ay kaga hortageen qatarta xoogan ee ka dhalan kartay weeraradaasi, isagoo sidoo kale ku amaanay in mudo aad u badan Muqdisho aysan ka dhicin qaraxyo waa weyn.

Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen ayaa la wadaagay Madaxweynaha Xogo ay ka heleen qoladii weerarka soo qaaday iyo Raadadka dadka soo abaabulay oo lagu dhow yahay in la helo.

Si kastaba ha ahaatee Madaxda dalka ayaan wali Warbaahinta si rasmi ah kaga hadlin weeraradii iyo Qaraxyadii khasaaraha geystay ee xalay fiidkii ruxay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here