Home Horyaalka England XASAASI: Xildhibaano Carab ah oo Diiday dhageysiga Khudbada Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka...

XASAASI: Xildhibaano Carab ah oo Diiday dhageysiga Khudbada Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo Arin Layaab leh lagula kacay

0

Xildhibaannada Falastiiniyiinta iyo Carabta kale ee ku jira Baarlamaanka Israel ayaa xoog looga saaray hoolka kaddib markii ay dideen in ay dhegeystaan Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo booqanaya Israel.

Ciidamada amaanka dhismaha ayaa Xildhibaannada oo buuq ku furay khudbadda Mike xoog uga saaray dhismaha iyada oo daqiiqado la hakiyay khudbadda Mike Pence.

Xildhibaannada ayaa markii uu khudbadda bilaabayay ku qeyliyay in Quddus tahay Casimadda Falastiin,sidoo kalena Mike Pence aysan u oggoleyn  in uu Khudbvad ka jeediyo Baarlamaanka Israel.

Waxaa kale oo ay wateen boorar ay ku qornaayeen haddallo ka dhan ah Mike iyo Trump,waxaana ay ku doodeen in aysan aqbaleyn in Quddus noqoto caasimadda Israel.

Iyada oo banaanka looga saaray kulanka ayaa haddana xildhibaan ka mid ah kuwa xoogga lagu saaray u sheegay Warbaahinta in ujeedadood ay gaareen taas oo ahayd in ay Baarlamaanka ka dhex sheegaan.

Ciidamada Israel ayuu sheegay Xildhibaanka in ay xoog u adeegsadeen,islamarkaana weerar ku qaadeen Xildhibaanno aragtidooda dhiibanayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here