Home Horyaalka England AKHRISO; Xaaf shalay Dhuusamareeb ayaa ku adkeyd inuu ka dego maanta Cadaado”

AKHRISO; Xaaf shalay Dhuusamareeb ayaa ku adkeyd inuu ka dego maanta Cadaado”

0

Mid ka mid ah Waxgaradka Beesha Cadaado oo ka hadlay shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu yahay mid keli ay ku ahaayeen Dowladda dhexe iyo saaxiibo ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb.

Wuxuu sheegay in haddii ay yihiin Waxgaradka Beesha Cadaado ay qaadacayaan Heshiiska Ahlu suna iyo Galmudug caasimadana laga wareejiyo magaalada Cadaado loona wareejiyo Dhuusamareeb,wuxuuna hadalkiisa intaasi raaciyay ineysa aqbaleyn waxa lagu dhoodhoobay magaalada Cadaado.

Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay magaalada Cadaado ayuu ugu baaqay iney arintaan ka dhiidhiyaan,islamarkaana wada hadal dib ugu noqdaan magaalada Cadaado.

Hadda wixii ka danbeeya madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku shaqeyn doona magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda rasmiga ee maamulka Galmudug ka dib shir lagu dhameystirayo heshiiska oo maanta ka qabsoomay magaalada Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here