Home Horyaalka England XOG DEG DEG AH: C/raxmaan C/shakuur oo aan Tagi Doonin Maxkamadda Racfaanka...

XOG DEG DEG AH: C/raxmaan C/shakuur oo aan Tagi Doonin Maxkamadda Racfaanka Ee G/banaadir

0

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in maanta oo Arbaco ah aanu maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir tagi doonin siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Lama hubo in maxkamadda ay tagi doonaan qareennada C/raxmaan iyo in kale, balse waxaa naloo xaqiijiyey in shaqsi ahaan aanu C/raxmaan Tagi doonin maxkamadda.

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in maanta dib loo furi doono dhageysiga dacwad loo haysto C/raxmaan Cabdi Shakuur.

December 21, 2017: Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay in C/raxmaan lagu waayey wax dambi ah, islamarkaana uu xor yahay, waxaana sidoo kale maxkamaddu sheegtay inaan dacwaddan wax racfaan ah laga qaadan karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here