Home Horyaalka England XOG: Beesha Habar Gidir oo Farmaajo ka Baajisay ka qeyb galka Munaasabada...

XOG: Beesha Habar Gidir oo Farmaajo ka Baajisay ka qeyb galka Munaasabada Booliska

0

Xoga gaara oo ay heshay Codkagalmudug ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo lagu waday inuu ka qeyb galo Munaasabada Dabaal daga ciidamada Booliska Soomaaliya oo ka socota Xarunta Jeneraal inuu kaga baaqday arimo ku saabsan Kiiska Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur.

Madaxweynahan ayaa kulamo aan kala go’ laheyn la qaadanaya odayaasha iyo Xildhibaanada Habar gidir ee iyagu madaxda ku cadaadinaya inay xabsiga laga soo daayo Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku mashquulsan go’aanka laga qaadanayo Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur, wuxuuna sidoo kale saaka la kulmay Xeer ilaaliyaha Qaranka oo maanta laga sugo cadeymo ku aadan dambiyada lagu eedeeyay Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga dhur sugayaa go’aanka maxkamada iyo cadeymaha la horkeeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here