Home Horyaalka England Maamulka Hirshabeelle oo sheegay in Xilal uu siinayo Ahlu sunna, Ogow sababta

Maamulka Hirshabeelle oo sheegay in Xilal uu siinayo Ahlu sunna, Ogow sababta

0

Wasiirka Bay’ada Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdi Kariin Nuur Xasan ayaa waxaa uu ka hadlay heshiiis la sheegay inay wada gaareen Xubno ka socda Ahlusuna iyo Maamulka hirshabelle.

Sidoo kale Wasiirka Waxaa uu sheegay in waxyaabaha Madaxda ay ka hadleen islamarkaana Ku heshiiyeen ay Ku jirto in Ahlusunna ay  Hirshabelle Xubno ku yeelato iyo Laga Shaqeeyo hormarinta degmada Matabaan oo qeybo ka mid ah ay maamulaan Ahusuna waljamaaca.

Ma jirto Ilaa iyo Hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Ahlusuna Waljamaaca,kaasi oo ku aadan inay faahfaahin ay ka bixiyaan heshiiskan la Sheegay inay wada gaareen Labada Maamul.

Dhawaan ayay aheyd Markii  Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna ay heshiis Taariikhi ah ku gaareen Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug,iyadoona heshiiskaasi ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda ugu sareysa ee dowlada federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here