Home Horyaalka England War Deg Deg ah:- Farmaajo oo Qabiilkiisa siiyay Malaayiin Dollar iyo Beelaha...

War Deg Deg ah:- Farmaajo oo Qabiilkiisa siiyay Malaayiin Dollar iyo Beelaha Hawiye,Digil iyo Mirifle oo Hubka qaadan doona

0

Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee Sanadka 2017 ayaa hor taalla Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya kuwaas oo heesta mudo 3 maalmood ah in ay soo aqriyaan waxayna sanadkaan ka badan tahay miisaaniyadda Sanadihii hore.

Kulamada Golaha shacabka ee looga doodayo Miisaanadda ayaa suurta gal ah in uu hareeyo dooda kulul iyo buuq ku saabsan qaladaad la sheegay in uu ka jiro lacago loo qoray Maamul Gobaleedyada iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Xildhibaano kala duwan oo aan lahadalnay ayaa KNN u sheegay in aysan Marna suurta gal aheyn sida loo diyaariyay lacagaha ay qaadanayan Maamul Gobaleedyada oo ay ka muuqato cadaalad daro iyo ukala ee xasho.

Idaacadda Kulmiye ayaa heshay Xog ku saabsan sida loo diyaariyay lacagaha loo qoondeeyay in la siiyo Maamul Gobaleedyada.

  • Puntland $ 4,675,000
  • Jubbaland $ 2,695,000
  • Galmudug $ 1,425,000
  • Koofur Galbeed 1,425,000
  • Hirshabeelle 750,000
  • G/Banaadir $ 7,000,000

Lacagaha aan kor ku soo sheegnay oo hadii baarlamaanka meel mariyaan la siin doono Maamul Gobaleedyada ayaa maamul walba waxaa u sii dheer Canshuurta uga soo xaroota Dekadaha iyo Airboorada ay Maamulaan lamina cadeyn lacagtaan waxa lagu bas gareeay.

Xildhibaan C/raxmaan Xaaji aadan Ibbi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in arintaan ay tahay mid aan cadaalad aheyn loona baahan yahay in dib loogu laabto                                                                                              

Maxamed Xasan Ibraahim oo ah Mudane ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in loo baahan yahay faah faahin dhab ah in ay ka bixiso Wasaaradda Maaliyadda ujeedada ay ka  leeydahay in si aan cadaalad aheyn loo qeybiyo  Miisaaniyadda Maamul Gobaleedyada Dalka ee ka imaaneysa Dowladda                                                                                                                                                    

Dhinaca kale Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo laba garab ukala jaban ayaa miisaaniyada sanadkaan qeyb ka ah hadii ay Golaha shacabka ay meel mariyaan waxayna heli doonaan lacag dhowr milyan oo doolar.

Qaar ka mid ah Ganacsatada la hadlay KNN ayaa sheegay in ay Arintaan ay muujineyso la isu gacan qabanayo Ganacsato tartan ka dhaxeeyo lagana dhaxli doono cawaaqib xun.

Xildhibaan C/raxmaan Xaaji aadan Ibbi ayaa sheegay in Arintaan ay tahay mid aan sharci aheyn oo aysan Golaha shacabka Marna ogolaan doonin in loo kala eexdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here