Home Horyaalka England War Deg Deg ah:- Ku dhawaad 60 Xildhibaan oo Mooshin ka Gudbiyay...

War Deg Deg ah:- Ku dhawaad 60 Xildhibaan oo Mooshin ka Gudbiyay Warqad uu Qoray Madaxweynaha Puntland

0

59 Xildhibaan oo kamid ah xildhibaanada gollaha wakiilada Puntland ayaa gudoonka  baarlamaanka u gudbiyey moshin ay ku cadeynayaan inay kagasoo horjeedaan warqad ka timid Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xildhibaanadan ku midooday mooshinkaan ayaa sheegay qorshahaan kordhinta golaha wakiilada inuu yahay qorshe madaxweyne Gaas uu waji uga raadsanayo beelaha Puntland qaarkood, islamarkaana meesha looga saarayo nidaamkii uu madaxweynuhu balanqaaday ee ahaa gaarista nidaamka xisbiyada badan

Ujeedada warqadaan loogu gudbiyey guddoonka baarlamaanka waxay tahay in lasii wado Barnaamijka Asxaabta islamarkaana aan marnaba lagu laaban nidaamka qabyaaladeed, madaxweynahana uu ka dhabeeyo balanqaadkii ugu weynaa ee lagu doortay oo ahaa inuu Puntland gaarsiinayo doorasho dadweyne.

Xigasho Puntlandnews.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here