Home Horyaalka Germalka Madaxweynaha Galmudug oo Xalay la sheegay in Weerar lagu qaaday

Madaxweynaha Galmudug oo Xalay la sheegay in Weerar lagu qaaday

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xalay Koox Hubeysan oo la sheegay in ay Xirnaayeen Deriiska Ciidanka ayaa Weerar ku soo qaday Dhanka Koofureed ee Magaalada Gaalkacyo.

Kooxda Hubeysan ayaa la sheegay in ay isku dhaceen Rag kale oo Dableey ah  islamarkaana Ilaaliya Xarumaha Ganacsi ee ku yaalla Dhanka Koofureed ee Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Dableeyda Weerarka soo qaaday ay Rasaas Huwiyeen Hotel Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu ka degan yahay Magaalada Gaalkacyo.

Weli ma jirto Cid sheegatay Weerarkaasi,waxaana Weerarku uu imaanayaa Xilli Shalay la kala qaaday Ciidamada Labada Maamul.

Galmudug weli kama hadlin Wararka sheegaya in Weerar lagu qaaday Hotelka Madaxweynaha galmudug uu Gaalkacyo ka degen yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here