Home Horyaalka England Deg Deg Weerar lagu Qaaday Hotelka Nasa Hablood ee Magaalada muqdisho

Deg Deg Weerar lagu Qaaday Hotelka Nasa Hablood ee Magaalada muqdisho

0

Weerar ismiidaamin ah iyo mid toos ah ayaa galabta saacadu markii ay aheyd 4:20pm lagu qaaday hotelka Naasa hablood oo ku yaalla agagaarka isgoyska km4 ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari miineysan oo lagu dhuftay albaabka hore ee laga galo hotelka Naasa hablood oo dhagxaan waaweyn horey loogu gooyey.

Qaraxa oo aad u xoogana lagana maqlay magaalada oo dhan ayaa waxaa ka dib goobtaas ka bilowday dagaal culus oo u dhexeeya ilaalada hotelka iyo kooxo hubeysan oo doonaya iney gudaha u galaan.

Rasaasta ayaa weli socota, iyadoo sidoo kale la maqlayo qaraxyo kale oo dhacaya, waxaana cakiran xaalada nawaaxiga isgoyska Km4m gaadiidkii waa joogsaday, goobaha ganacsiga ee halkaas ku yiilayna qaarkood waa la xiray, qaar kalena iyagoo balaqan ayaa laga cararay.

Hotelka la weeraray ee Naasa hablood ayaa waxaa degan xildhibaano ka tirsan Baarlamanka, ganacsato, qurba joog iyo dad kale, waana hotel aad loo ilaaliyo, khasaaraha weerarkana lama oga illaa hadda.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco boggan wararkeena ugu soo horeeya insha Allaah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here