Home Horyaalka England Deg Deg Dagaal ka Qarxay Gobolka Bari oo u Dhaxeeya Ciidanka Cabdi...

Deg Deg Dagaal ka Qarxay Gobolka Bari oo u Dhaxeeya Ciidanka Cabdi samad Galan iyo Puntland”

0

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Puntland iyo Ciidan kale oo  Taabacsan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Gallan ayaa ka biloowday Duleedka Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa si Xoog leh uga socda halkaa,iyadoo Labada Dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamada uu wato C/samad Maxamed Gallan ayaa horay u sheegay in ay Xilka ka tuuri doonaan Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas.

Dhanka kale Puntland ayaa sheegtay in Ciidanka uu wato C/samad Galan ay yihiin Daacish iyo Burcadbadeed.

Wararka ka imaanaya Halkaasi Ayaa Sheegay in Dhalinyaro Badan oo Deegaanka Ay ku Biirayaan Xoogaga Cabdi Samad Galan kuwaasi oo Taageersan Waxana Xaalada Ay Tahay Mid Adag,

Wixii ku soo Kordha Lasoco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here