Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107
Dhageyso Shirkii Madasha Wadatashiga oo Baydhabo ka Furmaya iyo Wafdiga Puntland oo Wali” – Xidigaha

Dhageyso Shirkii Madasha Wadatashiga oo Baydhabo ka Furmaya iyo Wafdiga Puntland oo Wali”

Waxaa gelinka dambe ee Maanta lagu wadaa in Magaalada Beydhabo ee Xarunta gobolka Baay uu ka furmo Shirka Madasha wadatashiga Qaran iyadoo Maamulka Puntland Hada Lagu Cadaadiyay Shirka in ay Qasab ku Tagaan.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa iney ka qeyb galaan Madaxda sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha Maamul goboleedyada dalka.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in intiisa badan loogu hadlo arrimo ku saabsan doorashooyinka la filayo iney sanadkaan ka dhacaan Soomaaliya iyo waqtiga rasmiga ah oo ay dhacayaan.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka loogu hadlo qaabka ay u dhaceyso doorashooyinka la filayo iney sanadkaan ka dhacaan Soomaaliya sida doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale doorashada Madaxweynaha.

Magaalada Beydhabo ayaa waxaa hada ku sugan qaar ka mid ah Masuuliyiintii loogu tala galay iney shirka ka qeyb galaan, waxaana sidoo kale maanta lagu wadaa in gelinka hore ay gaaraan magaalada Beydhabo.

Shirkan Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horay waxaa loogu soo qabtay Magaalooyin ka tirsan Soomaaliya sida Magaalada Muqdisho, Garoowe, iyo Kismaayo. iiyo Cadaado,

Halkan Hoose ka Dhageyso

riix


Warning: Use of undefined constant TDC_PATH_LEGACY - assumed 'TDC_PATH_LEGACY' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /var/www/wp-content/plugins/td-composer/td-composer.php on line 107

Be the first to comment on "Dhageyso Shirkii Madasha Wadatashiga oo Baydhabo ka Furmaya iyo Wafdiga Puntland oo Wali”"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*