Home Horyaalka England Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Dhismaha Qaar ka mid ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Dhismaha Qaar ka mid ah Wasaaradaha.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka rajay xarumaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo tan howlaha guud oo dhawaan dib u dhis lagau sameeyay.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa maanta markii uu gaaray xarumaha labada Wasaaradood ee kala ah Holwaha guud iyo Shaqaalaha, waxa uu warbixin ka dhageystay labada Wasaaradood, oo Madaxweynaha u sharxay dib u dhiska lagu sameeyay.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda labada Wasaaradood ku bogaadiyay dib u dhiska ay ku sameeyeen xarumahooda, waxaana mas’uuliyiinta kale ka dalbaday inay dib u dhistaan xarumaha Wasaaradaha ay u magacaaban yihiin.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer howleed ku tegay taliska qeybta guud booliska ee gobolka Benaadir, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageystay saraakiisha booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here