Home Horyaalka England Golaha ammaanka Oo shir gaar ah ka yeeshay Xaalada Soomaaliya Iyo Madawayne...

Golaha ammaanka Oo shir gaar ah ka yeeshay Xaalada Soomaaliya Iyo Madawayne Xasan Oo Ka Hadalay Xalada Dalka.

0

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo shir gaar ah ku yeeshay magaalada New York, ayaa ka shiray xaaladda Soomaaliya, shirka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynah jamhuuriyadda Soomaaliya iyo madax kale oo qaramada midoobay iyo caalamka intiisa kale ka kala socda.

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada Soomaaliya, isagoo amaanay dadaalada dhanka siyaasadda ah oo ay hormuudka ka tahay dowladda Soomaaliya.

Danjire, Keating, ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskii dhowaan ka dhacay magaalada Garoowe  uu ahaa  mid wax ku ool u ah doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadkan.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa tilmaamay in doorashada sanadkan wax badan ugu duwan tahay tii sanadkii 2012 ka dhacday dalka, maadaama tirada dadka soo dooranaya xubnaha baarlamaanka ay ka badan yihiin kuwii 2012ka.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhanka Sayaasada, amniga iyo arrimaha kale ee dhinaca horumarka ee Soomaaliya ka socda.

Warbixinta uu siiyay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu si gaar ah kaga hadlay doorashooyinka dalka ka dhacaya sannadkan 2016-ka iyo dagaalka ay Dowlada kula jirta Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here