Home Horyaalka England Ciidamada Dowlada Oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Walxaha Qarxa Siday.

Ciidamada Dowlada Oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Walxaha Qarxa Siday.

0

Ciidanka NISA ayaa Xalay Xaafad Ka Mid ah Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ku qabtay Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Ciidanka NISA oo Kaashanaya Shacabka Degmada Deyniile ay qabteen Gaarigaan oo ahaa Kaarib lagu soo raray Waxyaabaha Qarxa iyo Labo Qori oo ah Ek-47.

Goobta lagu qabtay Gaariga laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa waxaa tagay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA iyo Booliska Soomaaliya.

Wax Yaabaha Lagu Soo Xiray Gaariga ayaa waxaa ka mid ahaa waxyaabaha gaas ka leh sida qalabka debka lagu dhaliyo iyo kuwa kale oo badan.

14 12 13

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here