Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
Home » Horyaalada » England » Juventus, Inter Milan oo isku heysta saxiixa Loic Remy?

Juventus, Inter Milan oo isku heysta saxiixa Loic Remy?

Waxaa Qoray: Yusuf Saman Shiekh
Taariikh: 11-05-13 8:16 AM

remy

Sabti,1-05-2013

Kooxaha Juventus iyo Inter Milan ayaa labaduba waxa ay ku soo biireen xiisaha loo qabo kooxda Queens Park Rangers weeraryahankeeda Loic Remy.

26-jirkaan u dhashay dalka France ayaa waxa uu kooxdiisa QPR waxa uu u dhaliyay shan gool ka dib markii uu u saftay ilaa iyo 12-kulanxili ciyaareedkan,waxaana xidigaan uu u muuqdaa mid ka tagaya garoonka Loftus Road maadaama kooxda QPR sanadkan ka hartay horyaalka Premier League.

Kooxda ku guuleysatay horyaalka Serie A-da sanadkaan ee  Juventus ayaa waxa ay diyaar u tahay in kooxda Inter Milan kula dagaalanto saxiixa ciaaryahankan sidaas waxaa lagu qoray talkSPORT.

Remy ayaa kaga soo biray kooxda QPR dhanka iyo kooxda Marseille bishii January  ee sanadkaan ka dib markii ay ku soo iibsadeen lacago gaaraya £8m.

W/Q : Yusuf Saman Sheikh (Youman)

Hoyga Ciyaaraha Caalamka

|||||||||| Wixii Talo iyo Tusaale ah ku Soo Dir Emailadan

xidigahasports@gmail.com ama info@xidigaha.com



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>