Jimco,10-05-2013.
Kooxda Barcelona weeraryahankeeda David Villa ayaa lagu soo waramayaa in uu u dhawaaday mar ku biirista kooxda Arsenal bishii January ee sandkaan ee la soo dhaafaytransfer window.
Ciyaaryahankaan wadanka Spain ayaa waxaa uu ahaa bartilmaameedka koowaad Gunners si ay u keento garoonka kooxda Emirates Stadium.
Balse kooxda Catalan-ka ayaa markaas diiday maadaama ay rajo ka laheyd in ay ku guuleysatay koobka Champions League , sidaas waxaa laga soo xigtay Mundo Deportivo.
Wargeysyada dalka Spain ayaa ayaa waxa ay cadeeyeen in kooxda reer wuqooyiga London ay markaas diyaar la eheyd lacago gaarya £8.5m,si ay u hesho 31-jirkaan balse kooxda Barcelona ayaa rabta lacagahaas kuwa ka badan.
Kooxda Arsenal ayaa ilaa iyo hada xiiso u qabto Villabalse waxa ay tartan kala kulmi doontaa kooxaha Tottenham Hotspur iyo Atletico Madrid, sidoo kale Arsenal waxa ay rabtaa Stevan Jovetic.
W/Q : Yusuf Saman Sheikh (Youman)