David Moyes ayaa loo gacan galiyay 6-sano oo qadaraas ah oo uu kula joogayo kooxda Manchester United, waxaana uu shaqada kala wareegayaa Sir Alex Ferguson 1 bisha July.
Moyes, oo katagaya Everton kaddib 11-sano oo uu shaqo ka hayay Garoonka Goodison Park ayaa waxaa lagu Magacaabay codsi ka yimid Ferguson oo la jeclaaday shaqada Old Trafford.
Moyes 50-sano jir ah ayaa qadaraaska uu kula joogo Everton waxa uu dhamaanayaa dabayaaqayada xilli ciyaareedkan.
“Waxaan si loo dhanyahay isugu raacnay in uu nahogaamiyo David Moyes,” sidaasi waxaa sheegay Ferguson oo Arbacadii ka howlgabay shaqada macalinimo ee kooxda United kaddib 26-sano oo uu soo hogaaminayay kooxdaasi.
“David waa Nin sumcad sare leh shaqo aqlaaqeysna leh. Waxaan la dhacsanaa shaqadiisa waqti dheer anigoo isku dayay tan iyo 1998dii in aan Kalkaaliyo ka dhigto”
“Su’aali kama taagna waa uu heystaa tayadii laga filayay waxaana ka fileynaa in uu shaqadiisa ka soo baxo”
Moyes oo loo Magacaabay macalinta United ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in loo Magacaabo macalinka kooxda ugu sareysa ee Premier League.
Khiikh Kooban David Moyes
kamadare
May 9, 2013 at 8:11 pm
asc asxaabta waan kufaraxsanahay in loo magacaabo moyes hadaan ahay taageero man utd