
Kooxda Chelsea ayaa si layaab leh ugu baxdo heshiiska ay la leheed ciyaaryahanka Radamel Falcao waxa ayna ka door bideysaa Robert Lewandowski.
kooxda Blues ayaa xili yadii ugu danbeeyay oo dhan waxa ay bartilmaameedsaneysay Falcao , kaasoo kooxda Atletico Madrid u dhaliyay 20-gool xili ciyaareedkaan horyaalka La Liga ..
sikastaba sida laga soo xigtay The Express ayaa lagu sheegay in qorshihii lagula soo wareegi lahaa ciyaaryaanka wadanka Colombia ay kooxda Chelsea ka baxday waxa ayna imina u weecatay dhanka iyo kooxda Borussia Dortmund weeraryahankeedaLewandowski.
kooxda Blues ayaa iminka waxa ay diyaar u tahay in lacago gaaraya £46m kula soo wareegto ciyaaryahanka wadanka Poland kaasoo kooxdiisa BVB u dhaliya ilaa iyo 33-gool dhamaan tartamada .
Laakiin waxaa jira kooxo badan oo si aad ah u baadi goobaya ciyaaryahankan waxaana ka mdi ah Manchester United,Manchester City,Bayern Munich,Real Madrid iyo kuwa kale.