Maamulaha kooxda Manchester United oo xaqiijiyay horyaalkii 20aad oo ay kooxdiisu ku guuleysto ayaa waxa uu doonayaa in dhaqaalo gaaraya 50-milyan oo Bon oo ku dhiso kooxda Xilli ciyaareedka soo aadan.
Sir Alex Ferguson ayaa Bartilmaameedkiisa ugu weyn waxaa ku jira xidigaha kala ah: Radamel Falcao, Robert Lewandowski iyo Leighton Baines.
Iyadoo uu Rooney kooxda saluugsan yahay ayaa macalin Ferguson waxa uu hada u muuqdaa in uu booskiisa siin karo midkood weerayahanada Atletico Madrid iyo Borussia Dortmund kuwaasi oo uu siweyn u doonayo.
Ferguson ayaa Robert Lewandowski si aad ah u doonayay Laakiin xidigan waxa uu sheegay in aanu boos uga banaaneyn United-ka marka waxa ay u egtay hadii uu tago Rooney in uu imaankaro kooxda.
Radamel Falcao waa ciyaaryahan ay kooxo badan doonayaan umana muuqdo mid u jeheysan kara dhanka Old Trafford, maxaa yeelay dhaqaalaha lagu baadi goobayo ayaa aad u sareeya.
Macalinka United ayaa sidoo kale doonaya in xilli ciyaareedka danbe uu garoonka kooxdaasi keeno daafaca bixidix ee Leighton Baines.
Xidigaha cusub ee la keeni doono Garoonka Old Trafford ayaa laga yabaa in ay saameeyaan shaqada xisigaha Nani, Anderson oo tagaya iyo Paul Scholes oo shaqo gab nonaya.