Home » Horyaalada » La Liga » Real Madrid Oo Ceyrineysa Ciyaartoy Waa Weyn Kaddib Jabkii Ka Soo Gaaray Dortmund

Real Madrid Oo Ceyrineysa Ciyaartoy Waa Weyn Kaddib Jabkii Ka Soo Gaaray Dortmund

Jariirada Marca ee fadhigeedu yahay Madrid islamarkaana wax badan ka qorta kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Los Blancos ayaa shaaca ka qaaday in Real Madrid ay xagaagan iska iibin doonto shan ka mid ah xiddigaheeda si ay dhiig cusub ugu soo daraan kooxda.

Wargeyska ayaa sheegaya in Coentrao uu u horeeyo liiska ciyaartoyda Real Madrid ay dooneyso inay iska iibiso. Waxaana ay sheeganeysaa in madaxweyne Florentino Perez uusan markii horeba ku qanacsaneyn inay soo iibsadaan ciyaaryahanka reer Portugal. Wakiilka ciyaaryahanka Jorge Mendes ayaa dhowr mar ku celceliyay in kooxda aysan wax lacag ah ku dhumin doonin Coentrao, waxaana la duldhigay 18 milyan euro.

Pepe ayaa ah ciyaaryahanka labaad ee liiska ku jira. Isagoo dhawaan booskiisa u waayay Varane islamarkaana dhaleeceyn ku muteystay kulankii Dortmund, waa 30 jir waxaana uu jeeb gashadaa xilli ciyaareedkii 3.8 milyan euro oo canshuur ay ka banaan tahay. Kooxda Bernabeu ka dhisan ayaa u aragta inay ka heleen Pepe qiimihiisa mudadii uu kooxda joogay, waxaana ay haatan diyaar u yihiin inay ku fasaxaan 20 milyan euro.

Di Maria ayaa isna u muuqda ciyaaryahan si aad ah loo doondoonayo xagaaga. Iyadoo Real ay rajo fiican ka leedahay inay soo iibsadaan Gareth Bale, xiddiga reer Argentina ayaa booskii uu ciriiri geli doonaa, waxaana Los Blancos ay dooneysaa inay ka faa’ideysato oo lacag ku hesho tartanka ay ugu jiraan saxiixa ciyaaryahanka kooxaha Manchester United, Manchester City iyo Paris Saint-Germain.

Higuain ayaa si la mid ah Di Maria waxa uu yahay ciyaaryahanka ay Madrid dooneyso inay ku hesho lacagta ugu badan. Marca ayaa qoreysa in kooxda ay rajeyneyso inay 30 milyan ugu yaraan ku helaan, waxaana saxiixiisa ugu cadcad kooxda Serie A ka dhisan ee Juventus.

Sheekada Kaka ayaase ka duwan kuwa kale. Ka dib markii ay isku dayeen inay iska iibiyaan ciyaaryahanka labadii sanno ee u danbeysay, kooxda ayaa haatan rajeyneysa inay ka faa’ideystaan koobka adduunka ee Brazil ka dhacaya oo soo dhow taasoo xiddigii hore ugu guuleystay Ballon d’Or ku dhiirogelin doonta inuu raadsado koox uu ka helayo boos joogta ah si xulka Brazil looga yeero.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>