Home Horyaalka England Odayaasha Galmudug ee Cadaado oo Sharuudo Hordhigay Raisal Wasaare Xasan Kheyre

Odayaasha Galmudug ee Cadaado oo Sharuudo Hordhigay Raisal Wasaare Xasan Kheyre

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa  magaalada Cadaado kulamo wadatashi ah kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaannada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulamada wadatashiga ah isugu yeeray hoggaanka dhaqanka ayaa u sheegay muhiimmada ay u leeyihiin dhameystirka hannaanka lagu taabbagelinayo Galmudug mideysan oo qeyb ka noqota horumarka Soomaaliya. Waxa uu ballan qaaday in talooyinka odayaasha iyo wadatashigooda uu aasaas u yahay tallaabooyinka xiga ee la qaadayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhagaystay talooyinka odayaasha dhaqanka ee ku aaddan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid, wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo dhameystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah ee Galmudug iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo.

Kulamada uu Ra’iisul la yeeshay odayaasha dhaqanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid ah xildhibaannada iyo Seneterada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here