Home Horyaalka England Madaxweyne Shariif Xasan Sh.Aadan Oo Xilka Qaadis Deg Deg Ah Sameeyey

Madaxweyne Shariif Xasan Sh.Aadan Oo Xilka Qaadis Deg Deg Ah Sameeyey

0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka K/Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa Xilka uu ka qaaday Mas’uulkii Baraawe ugu sareeyey.

Kadib Wadatashi la sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan uu La sameeyey Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulka KGS ayuu sheegay in loo arkay isbadel lagu sameeyo Maamulka Baraawe.

Gudoomiyaha Baraawe ayaa loo magacaabay C/fitaax Maxamed Nuur isagoo badelaya Gudoomiyihii Xilka laga qaaday Aadan Cumar Madoobe.

Waxa la filayaa in uu si rasmi ah Gudoomiyaha Cusub Ee Baraawe ula wareego C/fitaax Nuur iyadoo Baraawe ay dhawaan Uguuri doonaan Madaxda Koonfur Galbeed Maadaama ay tahay Xarunta Rasmiga Ee Mamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here