Home Horyaalka England DEG DEG: Goob Ay Ku Shirayeen Shabaab Oo La Duqeeyey Sh/Hoose

DEG DEG: Goob Ay Ku Shirayeen Shabaab Oo La Duqeeyey Sh/Hoose

0

Wararka Warqaad ay Heshay ayaa sheegaya in Duqeyn ay ka dhacday Gobolka Shabellaha hoose iyadoo warar hordhac ah la helayo.

Meel duleedka ka ah Degmada Qoryooleey ayaa la sheegay in Ciidamada AMISOM ay madaafiic ku garaaceen kadib xog ay heleen oo sheegeysay in Shabaabku ay kusugnaayeen.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Shabaabka la duqeeyey ay shir kulahaayeen Deegaan duleedka Qoryooleey ah lana ogaan karin khasaaraha ka dhashay.

Maamulka Qoryooleey ayaan ka hadlin Madaafiicdaasi lagu weeraray Shabaabka is uruursanayey,xilli dhowr mar weeraro gaadmo ah lagu qaaday Degmada Qoryooleey oo AMISOM iyo Ciidanka Dawlada ay fariisimo ku leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here