Home Horyaalka England Dhageyso Dil Toogasho oo lagu Xukumay Ninkii Dilay Taliyihii Nisa ee Shabellaha...

Dhageyso Dil Toogasho oo lagu Xukumay Ninkii Dilay Taliyihii Nisa ee Shabellaha Dhexe”

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta Xukuno kala duwan ku riday Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Shabellaha Dhexe,kuwaas oo loo haystay  Dilkii Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Ee Gobolka Shabellaha Dhexee C/wali Ibraahim.

Maxkamadda ayaa Dil Toogasho ah ku Xukuntay Yuusuf Xusen Yuusuf Madoobe oo ahaa Askarigii Dilay Taliyihii hore ee NISA C/wali Ibraahim.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Saddexda Askari oo kale Labo Kamid ah ku Xukumay 2 Sano iyo Lix Bilood oo Xarig ah halka midka kale Xoriyadiisii la siiyay.

Saraakiisha NISA ee Shabellaha Dhexe ayaa sidoo kale sheegay in Dilka Taliyihii hore ee NISA iyo Al-shabaab uusan Xariir ka dhaxay,

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

riix

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here