Home Horyaalka England Beesha Baadicade oo Fariin Adag Dirtay Dowlada Somalia Daawo Sawirada”

Beesha Baadicade oo Fariin Adag Dirtay Dowlada Somalia Daawo Sawirada”

0

Kulan ay isugu yimaadeen Siyaasiyiinta, waxgaradka. Aqoonyahanada Beesha Baadacade oo ka dhacay 20ka Juun 2016 magalada London  ee Dalka Ingriiska, ayaa laga soo saaray Baaq qeylo dhaan ah oo ka kooban 11 qodob.

Beesha oo ka mid ah Beelaha Somaliyeed ee daga Gobollada Hiiraan, Shabeeladda Dhexe Shabelada hoose iyo Banadir waa beel caan ku ah Nabad jeclida,Wadaniyadda iyo u hiilinta Qarannimada Somaliyeed ayaa qoddobada ay soo saareen waxa ay kala yihiin;-

Ugu danbeyntii Beesha Baadacade waxa ay Dowladda Somaliya u soo Jeedineysaa in aysan iska indha tirin, dhagahana ka fureysan Fariimaha iyo Qeylo dhaanta ay soo saartay Beesha Baadacadde.

  1. Beesha waxa ay dareen iyo walaac badan ka qabtaa Jawiga Siyaasadeed uu ku suganyahan Qaranka Soamliyeed iyo Qaabka loo agaasimayo Doorashooyinka 2016-ka.
  2. Beesha Waxa ay si buuxda ugu soo horjeeda Guddiyada Doorashooyinka heer Maamul Goboleed iyo Heer Federaal oo ay Dawladda Federalka sameysay.
  3. Beeshu waxa ay u aragtaa in Dawladda Federalka aysan si cadaalad ah ku soo xulin xubnaha guddiyada doorashooyinka heer maamul gobol iyo mid Fereralba ee 2016-ka.
  4. Beesha waxay u aragtaa in guddiyadan aan cidna laga tala gelin, sharciga iyo caddaaladdana waafaqsaneyn looga gol leeyayay in lagu marin habaabiyo Doorashooyinka 2016-ka.
  5. Beesha waxa ay soo jeedineysaa in dib loo saxo Guddiyada Doorashooyinka Heerka Federaal  iyo Guddiga Doorashada Heerka Dowlad Goboleed iyada oo lagu saleynaayo Cadaaladda iyo Sharciga.
  6. Beesha Waxaa ay ka digeysaa in dalka dib loogu celiyo dagaal sokeeye.
  7. Beeshu waxa ay soo jeedineysaa in Doorashooyinka Dalka la qabto waqtiga loogu talagalay,waxa ayna ka digeysaa in Xukuumadda jirta ay muddo kororsi sameysato.
  8. Beeshu waxa ay soo jeedineysaa in la dhameystiro maamul sameynta Goboladda Hiiraan iyo Shabeelada dhexe lagana daayo hagarta iyo dayaca.
  9. Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa in ay il gaar ah ku heyso habka Dowladda Federaalka u rabto in ay u agaasinto Doorashooyinka 2016-ka.
  10. Beesha waxay ka digaysaa, walaacna ka muujineysaa isdaba maryeynta lala damacsanyahay habka doorashooyinka ee 2016.ka.
  11. Dhammaan Umadda Somaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in meel looga soo wada jeedsto lana diido wax kasta oo aan ku saleysneyn Sharciga iyo Caddaaladda. Lagana wada fikiro Ayaha, Masiirka iyo Mustaqbalka shacbiga iyo Qaranka somaliyeed.

Wakiiladda Beesha u saxiixay War Saxaafadeedkan:

  1. Guuleed Cabdullahi Macalim
  2. Maxamed Cabdi Shino
  3. Dr: Cabdullahi Shiikh Axmed
  4. Dr: Yaxye cabdullahi hurdaay.
  5. Prof: Nuur aduunyo
  6. Inj: Haseey buurweyn
  7. Prof: Abdulahi Moalin Pakistan
  8. Ganacsade Hussein Madobe
  9. Dr Ahmed Gure
  10. Mudane: Abdi Xuubeey

shir-bada-2 shir-bada-4 shir-bada-5

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here